Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal rido dheer

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal rido dheer. [Sawirka: Archive]
Seoul-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay tijaabisay gantaal rido dheer oo lagu guuleystay kaasoo ah midka qaaradaha isaga gudba, sida uu baahiyay taleefishinka dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Tijaabada ayaa dhacday maanta oo Talaado ah, isaga oo gaaray joog hawada ah oo dhan 2,802km waxaana uu dul maray 933km kahor inta uusan ku dhicin bar tilmaameedka loogu talogalay oo kutaala badda.

Tani waa markii kowaad oo ay Waqooyiga Kuuriya sheegto in ay tijaabadiisa ku guuleysato gantaalada qaaradaha isaga gudba, kaas oo awodi kara in uu gaaro dhulka Mareykanka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa kordhisay tijaabadeeda gantaalada ee joogtada ah, taasoo kor u qaaday walaaca ay ka qabaan wadamada gobolka sida Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*