Qaar kamid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka oo la filayo in ay Garoowe yimaadaan

Shir madasha wadatashiga qaranka. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Qaar kamid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan yimaadaan magaalada Garoowe si ay wadahadal ula yeeshaan madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ujeedka safarka ayaa ah sidii ay u dhex-dheexadin lahayd Puntland iyo Villa Somalia oo bilihii u dambeeyay uu xiriirkoodu ahaa mid aad u xun.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo bisha soo socota ee May lagu balansanyahay shirka madasha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, taasoo ay Puntland ka maqnayd kulamadii u dambeeyay. Beesha caalamka ayaa kalsooni daro ka muujisay maqnaanshaha Puntland ee kulamada xilli ay socdaan howlo muhiim u ah dib u dhiska dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*