Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Raysulwasaarihiisa February 23, 2017 Puntland Mirror Somalia 0 Xasan Cali Khayre waa Raysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah Xasan Cali Khayre u magacaabay Raysulwasaarihiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu ku qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka. Xasan Cali Khayre ayaa ah nin ku cusub siyaasadda, waxa uu horey u ahaa madaxa haayada NRC (Norwegian Refugee Council) ee gudaha Soomaaliya. Magacaabida ayaa imaanaysa maalin kadib markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo caleemo-saaray madaxaweynaha 9-aad ee Soomaaliya. Related PostsOctober 11, 2016 Warbixin Gaar ah: Joogitaanka ISIS buuraha Galgala PuntlandMarch 6, 2017 Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoon oo nin ganacsade ah ku dilay magaalada BoosaasoSeptember 18, 2016 Unknown gunmen kill Somali military officer in MogadishuApril 22, 2017 Puntland Presidential guard shot dead by unknown assailants in Galkayo town
Be the first to comment