Ugu yaraan 39 qof oo ku dhimatay weerar argagixiso oo ka dhacay baar lagu caweeyo oo kuyaala Istanbul

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhimatay weerar argagixiso oo ka dhacay baar lagu caweeyo oo kuyaala Istanbul. [Sawirka: Anadolu News Agency]
Istanbul-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 39 qof ayaa lagu dilay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay baar dad badan ka buuxeen oo lagu caweeyo oo kuyaala Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay ugaarsanayaan mid kamid argagixisada kadib markii weerarka dhacay xalay oo Axad ahayd.

Waxa uu sheegay in nin qori wata loo malaynayo in uu keligiis weerarka qaaday.

Lixdan iyo sagaal qof ayaa la dhigay isbitaalada kadib weerarka, sida uu sheegay wasiirka, 21 kamid ah dadka dhintay ayaa la aqoonsaday ilaa iyo hadda, 15 kamid ah waa ajaaniib.

Baarka weerarka lagu qaaday ayaa ahaa baar lagu caaweeyo oo kamid ah kuwa ugu caansan magaalada Istanbul waxaana uu saaranyahay xeeb.

Madaxweyne Erdogan ayaa si adag u cambaareeyay weerarka waxaana uu ugu baaqay shacabka Turkiga in ay u wada istaagaan sidii la isaga celin lahaa argagixisada, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse khuburada ayaa sheegaya in looga shaki qabo kooxda ISIS kuwaasoo weeraro hore ka geystay gudaha dalka Turkiga.

Weerarkan ayaa ah kii kowaad oo ka dhaca Turkiga iyadoo caalamku u dabaaldegayo sanadka cusub ee 2017-ka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*