Malaayiin Muslimiin ah oo u dabaal-degaya Ciida Adxaha

ciida-indonesia
Muslimiin ka qaybgalaya salaada Ciida Adxaha masjidka Istiqlal ee magaalada Jakarta, dalka Indonesia. Sawirka: Reuters.

London-(Puntland Mirror) Malaayiin Muslimiin ah oo ku kala nool caalamka ayaa maanta oo Isniin ah u dabaaldegaya Ciida Adxaha.

Muslimiinta ayaa isugu tagay masaajidada iyo meelaha kale ee furan si ay uga qaybqaataan damaashaadka Ciida, oo kamid ah munaasabadaha fasaxa ee ugu muhiimsan sanadka Muslimiinta.

Muslimiinta ayaa sida caadiga ah ugu dabaal-dega Ciida Adxaha iyagoo qalaya xoolo sida, idaha, lo’da, riyaha, geela iyo xoolaha kale.

Halkan magaalada London ee caasimada dalka Britain, Muslimiin badan oo ay Soomaali kamidtahay ayaa isugu yimid masaajida waa-weyn ee kuyaala London si ay u oogaan labada rakcadood ee salaada Ciida Adxaha.

Dhanka Xajka, Xujayda ayaa ku guda jira maalmahoodii ugu muhiimsanaa ee acmaasha Xajka, ku dhawaad 1.5 milyan oo Muslimiin ah oo ka kala timid dalalka caalamka ayaa sanadkan nasiib u yeeshay in ay gutaan waajibaadka Xajka, oo kamid ah shanta tiir ee Islaamka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*