DFS oo sheegtay in ay wadahadal kula jirto haayadaha dhaqaalaha adduunka si ay gacan uga geystaan kahortaga coronavirus

Raysulwasaare Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadal kula jirta haayadaha dhaqaalaha adduunka si ay gacan uga geystaan kahortaga xanuunka coronavirus, sida uu sheegay Raysulwasaaruhu.

“Waxaan wadahadalo kula jirnaa haayadaha dhaqaalaha adduunka si aan uga helno caawimaad looga hortagi lahaa cudurka dalka Soomaaliyeed oo dhan,” Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidaas ku yiri hadal laga sii daayay taleefishinka dowladda.

Waxa uu sheegay in lacagtii ugu horeysay oo dhan $5 milyan ay Dowladda Soomaaliya u qoondeysay la tacaalida cudurka coronavirus.

Joojinta goobaha waxbarashada

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la xiro iskuulada iyo jaamacadaha muddo labo asbuuc ah si looga hortago cudurka coronavirus.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in la xiro iskuulada iyo jaamacadaha laga bilaabo maalinta beri ah oo ay xirnaadaan 15 maalmood kadibna ay ka sugaan warbixin dheeraad ah dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre, waxaana uu ku sii daray in la joojiyo dhammaan kulamada waa-weyn, xafladaha iyo isku soo baxyada fagaarayaasha si looga hortago cudurka.

Isniintii, Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiiskeedii ugu horeeyay ee coronavirus kadib markii qof Soomaali ah oo dibada kasoo laabtay laga helay Covid-19, sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abuukar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*