Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo gaaray dalka Qatar. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Doha-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay fiidkii tagay dalka Qatar kadib markii uu martiqaad ka helay Amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo la qaadan doono Amiirka Qatar inta uu ku guda jiro safarkiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamim ayaa la filayaa in ay kulankooda uga wada hadli doonaan xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii Qatar ay taageero u siin lahayd Soomaaliya oo doonaysa in ay kasoo kabato dagaalo sookeeye oo ka socday muddo sannooyin ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*