Argagixisada ISIS oo saddex askari oo katirsanaa ciidamada Puntland ku gowracday gudaha gobolka Bari

Cabdiqaadir Muumin hoggaamiyaha ISIS ee Puntland oo khudbad u jeedinaya dagaalyahanada meel kutaala gobolka Bari ee Puntland bartamihii bishii April, 2016-kii. [Sawirka: screenshot]
Cabdiqaadir Muumin hoggaamiyaha ISIS ee Puntland oo khudbad u jeedinaya dagaalyahanada meel kutaala gobolka Bari ee Puntland bartamihii bishii April, 2016-kii. [Sawirka: screenshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Waxa loogu yeero maleeshiyada ISIS ayaa gowracday saddex askari oo katirsan ciidamada dowladda Puntland kuwaasoo la afduubtay bilowgii asbuucaan, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal katirsan ciidamada amaanka Puntland, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in argagixisadu gowraceen saddexdaas askari kuwaasoo la afduubtay asbuucaan bilowgiisii.

Horaantii asbuucaan, Isaga oo la hadlayay warbaahinta joogta Puntland, Jaamac Maxamed Khuurshe, guddoomiyaha Qandala, waxaa uu sheegay in maleeshiyadu ay jidka u galeen gaari ay saarnaayeen dad dhowr iyo toban ah oo ku socday Boosaaso ayna afduubteen ilaa iyo sagaal qof, oo ay kamid ahaayeen shan askari oo katirsanaa ciidamada Puntland kuwaasoo shaqada fasax ka ahaa.

Afduubashada kadib, labo kamid ah askarta Puntland oo ay afduubteen ayna haysteen ISIS ayaa ka baxsaday, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Puntland Mirror.

Sida uu sheegay sargaalka latirsan ciidamada ammnaaka, kadib marki la bireeyay, madaxyada askarta la gowracay ayaa la dhigay deegaan u dhow magaalada Qandala.

7-dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, Ciidamada dowladda Puntland ayaa dib u la wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, taasoo gacanta ISIS ku dhacday bishii Oktoobar sanadkii 2016-kii.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*