Guddiga doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay liiska 17 urur siyaasadeed oo isdiiwaangeliyay

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Bare oo ka hadlaya shir jaraa’id. [Isha Sawirka: TPEC]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah Garoowe kaga dhawaaqay liiska 17 urur siyaasadeed kuwaasoo isdiiwaangeliyay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Bare oo shir jaraaid ku qabtay xafiiska guddiga ayaa sheegay in 17 urur siyaasadeed ay soo gudbisteen codsigooda tan iyo bartamihii December 2019.

Ururada ay weli ka dhimanyihiin buuxinta shuruudaha wareega kowaad ayaa loo qabtay ilaa 22 bishaan Maarso, 2020, halka kuwa kale ee shuruudaha wareega kowaad buuxiyay loo qabtay in shuruudaha wareega labaad ay buuxiyaan kahor April, 2020.

Magacyada ururada hoos ka akhriso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*