Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo amar ku bixisay in bil gudaheed lagu soo dhiso golayaasha deegaanka ee Garoowe iyo Boosaaso

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi “Timacade. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golayaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa la filayaa in xulistooda la dhammeeyo bisha soo socota, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Bayaanka oo maanta oo Axad ah kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi “Timacade” ayaa lagu wargeliyay guddoomiyaasha gobolada Nugaal iyo Bari, guddoomiyaasha kumeelgaarka ah ee Garoowe iyo Boosaaso, iyo nabadoonada iyo waxgaradka labada gobol in ay diyaariyaan soona xulaan xubnaha golayaasha deegaanada laga bilaabo 22 July ilaa 22 August.

Horaantii sanadkan 2018-ka ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali kala diray golayaasha deegaanka ee Garoowe iyo Boosaaso, isaga oo cuskaday is-qabqabsi dhexdooda ah.

Bilihii u dambeeyay ayaa labada magaalo aysan lahayn gole deegaan waxaana shaqada guddoomiyenimada si kumeelgaar ah u haya guddoomiyeyaal uu magacaabay madaxweynuhu.

Puntland oo bisha soo socota ee August jirsaneysa 20-sanno ayaan weli ku guuleysan in golayaasha deegaanka ay dadku soo doortaan, waaxana xubnaha golayaasha deegaanka soo doorta oday dhaqameedyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*