Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii madaxweynenimada Somaliland

Sawirka: Muuse Biixi Cabdi intii lagu guda jiray ololaha doorashada.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii madaxweynenimada Somaliland.

Muuse ayaa helay 55.19%  codadka, halka ninkii ugu dhawaa ee la loolamayay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro uu helay 40.73%, cod, sida maanta oo Talaado ah Guddiga Doorashooyinka ay kaga dhawaaqeen Hargeysa.

Ciro, oo ah musharax katirsan xisbiga Wadani ayaa Isniintii sheegay in xisbigiisu uusan aqbali doonin natiijada, isaga oo xusay in doorashada lagu shubta.

Asbuucii lasoo dhaafay, ku dhawaad 700,000 qof oo reer Somaliland ah ayaa dhiibtay codkooda si ay u doortaan madaxweyne cusub.

Somaliland oo ku taal woqooyi galbeed Soomaaliya, waxay isu tixgelisaa in ay tahay dowlad madaxbannaan, laakiin ma aqoonsana beesha caalamku.

Waa kuma Muuse Biixi?

Madaxweynaha cusub, Muuse Biixi Cabdi, waa 69-sanno jir, waxa uu katirsanaan jiray ciidamada cirka Soomaaliya kahor inta uusan noqon hoggaamiye jabhadeed, SNM oo ahayd dhaq-dhaqaaq ujeedadeedu ahayd sidii xukunka looga tuuri lahaa Maxamed Siyaad Bare.

Waxa uu wax ku bartay Midowgii Soofiyeedka ee burburay iyo Mareykanka.

Wuxuu hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulkii Maxamed Ibarhim Cigaal, oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland.

Muuse ayaa loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye sanadkii 2010.

Dabayaaqadii 2015, waxaa loo doortay musharaxa madaxweynenimada xisbiga Kulmiye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*