Puntland oo ku eedaysay Somaliland in ay dagaal soo qaadeen si ay u carqaladeeyaan safarka Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay oo Axad ahayd safarkiisii ugu goreeyay ku yimid Puntland. [sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ku eedaysay Somaliland in ay dagaal ku soo qaatay Puntland si ay u carqaladeeyaan safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland.

“Abaarihii shanta aroornimo ay duulaan qar iska xoornimo ah ciidanka Somaliland kusoo qaadeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo loola jeedo in lagu carqaladeeyo safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay booqasho ku yimid Puntland. Sidaa daradeed dowladda Puntland jawaab cad ayay ka bixin doontaa duulaanka lagu soo qaatay deegaankaas,” ayaa Puntland ku tiri bayaan maanta oo isniin ah.

“Gardaradaan waxay khatar ku abuuraysaa nabada iyo xasiloonida gobolka, sidoo kale waxay dhiirigelinaysaa ururada argagixisada kuwaasoo aanu kula dagaalamayno gobolada buuraleyda ah ee Puntland,” bayaanka ayaa lagu sii yiri.

Subaxnimadii hore maanta oo Isniin ahayd, ciidamada Somaliland ayaa weerar ku qaaday ciidanka Puntland, iyaga oo la wareegay Tukaraq, oo ah magaalo yar oo qiyaastii 60 km dhanka waqooyiga uga beegan Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*