Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland oo sheegay in ciidankoodu uu gaari doono xadka ugu dambeeya ee ay la wadaagaan Somaliland

Afhayeenka ciidamada Daraawiishta Puntland Maxamuud Maxamed Axmed oo loo yaqaan Gubadle oo warbaahinta maanta oo Axad ah kula hadlayay Garoowe. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in Puntland ay gobolka Sool oo dhan ay ka xoreyn doonto maamulka Somaliland.

“Meesha ciidamada Puntland ay ku socdaan maahan keliya Tukaraq balse waa dhulka Puntland ka maqan oo dhan, xad ahaan marka la eego ciidamadeenu waxay gaari doonaan Labida Gaatama, waxaan doonayaa in dadka shacabka ah ay ogaadaan in barnaamijku saas yahay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Daraawiishta Puntland Maxamuud Maxamed Axmed oo loo yaqaan Gubadle oo warbaahinta kula hadlay Garoowe maanta oo Axad ah.

Tani waa mid kamid ah hadalada dagaalka ee u dhaxeeya Puntland iyo Somailand, labada maamul ee deriska ah ayaa ciidamo badan geeyay gobolka Sool, dagaal ayaana la filan karaa in uu ka dhex qarxo wakhti walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*