Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi.

Abu Dhabi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay oo Isniin ahayd magaalada Abu Dhabi kula kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna taliye ku xigeenka ciidamada qalabka sida ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxay ka wadahadleen arrimaha horumarinta, barnaamijyada bini’aadanimada iyo mashaariicda dib u dhiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axadii safar ku tagay magaalada Abu Dhabi ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*