Somaliland oo dib u dhigtay dhismaha saldhiga millatari ee Imaaraatka Carabta ee Berbera

Sawirka: dekada magaalada Berbera.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Somaliland ayaa dib u dhigtay dhismaha saldhiga millatariga ee Imaaraatka Carabta ee Berbera, sida maanta oo Talaado ah uu daabacay wargesyka Geeska Afrika ee kasoo baxa magaalada Hargeysa, oo soo xiganaya ilo-wareedyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa waraaq u diray Imaaraatka Carabta, uu ku sheegayo in ay hakin doonaan dhammaan howlaha dhismaha. Sacad ayaa warqadiisa ku xusay in dowladda Somaliland ay dib u eegis ku sameyn doonto heshiiska saldhiga, sida uu ku waramay wargesyka Geeska Afrika.

Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa heshiis muran badan dhaliyay la gashay Imaaraatka Carabta si uu saldhig millatari uga sameysto dekada magaalada Berbera, taasoo kutaala Gacanka Cadan.

Dabayaaqadii bishii November warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg ayaa ku warantay in shirkadda Drivers Marine Contracting LLC ay bilowday dhismaha saldhiga millatari kadib markii ay ku guuleysatay qandaraaska oo ay ku baxayso $90 milyan.

Bishii lasoo dhaafay, Somaliland oo kutaala waqooyi-galbeed Soomaaliya, ayaa Muuse Biixi Cabdi u dooratay madaxweynaheeda shanaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*