Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte oo u sheegay Obama ‘in uu naarta galo’

dutera
Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte. [Sawirka: Al Jazeera]
Manila-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa u sheegay Madaxweyne Barack Obama ”in uu naarta galo” isaga oo jawaab celin u dirayay hoggaamiyaha Maraykanka oo cambaareeyay ololeha ay dadka badan ku dhinteen oo looga soo horjeedo daroogada oo ay wado xukuumada Filibiin.

“Halkay naga caawin lahaayeen, marka kowaad waa ay cambaarayn tani ma masuuliyad dowladeed baa, sidaa darted naarta gal Mr. Obama, naartaad gali doontaa,” Dutere ayaa sidaa ku yiri hadal uu jeediyay shalay oo Talaado ahayd.

La dagaalankiisa daroogada ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 3,000 oo dadka daroogada ka shaqeeya ah intii lagu guda jiray saddexdii bilood ee u dambeeyay, iyadoo ay walaac ka muujiyeen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Maraykanka iyo kooxaha xuquuqul iinsaanka.

Dutera ayaa sheegay in Maraykanka ay ka diideen in ay hub ka iibiyaan dalkiisa, laakiin maahan mid uu danaynayo sababtoo ah dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayay ka rajaynayaan in ay hub ka iibiyaan.

“Haddii aadan doonayn in aad hub naga iibisid, waxaan aadayaa Ruushka. Waxaan Janaraalo u diray Ruushka waxayna Ruushka ii sheegeen ha walwalin, waanu haynaa wax walba oo aad u baahantahay, waana ku siinaynaa,” ayuu yiri Dutera.

Bishii lasoo dhaafay, Obama ayaa joojiyay kulan qorshaysnaa oo ahaa kii kowaad oo uu la yeesho Dutera kaasoo barbar socon lahaa shir weynihii qaarada Aasiya oo lagu qabtay dalka Laos, kadib markii hoggaamiyaha Filibiin uu ku tilmaamay Obama ”wiilkii sharmuutada”.

Dutera ayaa mar dambe raaligelin ka bixiyay hadalkiisii.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*