Sargaal katirsan ciidamada amaanka Puntland, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in argagixisadu gowraceen saddexdaas askari kuwaasoo la afduubtay asbuucaan bilowgiisii.
Horaantii asbuucaan, Isaga oo la hadlayay warbaahinta joogta Puntland, Jaamac Maxamed Khuurshe, guddoomiyaha Qandala, waxaa uu sheegay in maleeshiyadu ay jidka u galeen gaari ay saarnaayeen dad dhowr iyo toban ah oo ku socday Boosaaso ayna afduubteen ilaa iyo sagaal qof, oo ay kamid ahaayeen shan askari oo katirsanaa ciidamada Puntland kuwaasoo shaqada fasax ka ahaa.
Afduubashada kadib, labo kamid ah askarta Puntland oo ay afduubteen ayna haysteen ISIS ayaa ka baxsaday, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Puntland Mirror.
Sida uu sheegay sargaalka latirsan ciidamada ammnaaka, kadib marki la bireeyay, madaxyada askarta la gowracay ayaa la dhigay deegaan u dhow magaalada Qandala.
7-dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, Ciidamada dowladda Puntland ayaa dib u la wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, taasoo gacanta ISIS ku dhacday bishii Oktoobar sanadkii 2016-kii.