Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn ka geystay deegaano kuyaala gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka Kenya. [Sawirka: Archive]
Garbahaaray-(Puntland Mirror) Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay deegaano kuyaala gobolka Gedo xalay oo Sabti ahayd, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Kulbis oo qiyaastii 20km dhanka waqooyiga uga beegan magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo,  halkaas oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin saldhigyo, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay sameyn doonaan qiimeyn ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqayntaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*