Madaxweynaha Puntland oo la kulmay haayadaha QM ee ka shaqeeya gudaha Puntland

IMG_3481
Madaxweynaha dowlada Puntland oo haayadaha Qaramada Midoobay kulan kula yeeshay Garoowe. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxweynaha Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe haayadaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Garoowe, kuwaasoo dowlada kala shaqeeya arrimaha insaanimada iyo mashaariicda hrumarineed.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray waxyaabihii qabsoomay iyo waxyaabaha ka dhiman mashaariicaha sanadkan 2016-ka ee ay haayadaha QM ka fuliyeen gudaha Puntland.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii Mashaariicaha muhimka ah ee haayadaha QM ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland loo gaarsiin lahaa gobolada iyo deegaanada laamiga ka baxsan, waxaana lagu ammaanay haayada UNDP mashruuca buundada ee ay ka dhistay jaamka degmada Xaabo ee gobolka Gardaguu, jaamkaas oo dhib badan ku hayey bulshada degmada Xaabo iyo ardayda wax ka barata dugsiyada xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Ugu dambayna, haayadaha QM oo ay ugu horeyso UNDP ayaa mashaariic badan oo horumarineed ka fuliyay gudaha Puntland tan iyo markii la asaasay dowlada Puntland 1998.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*