Qarax ruxay huteel kuyaala gudaha magaalada Muqdisho

Qiiq hawada isku shareeray korka Muqdisho kadib qaraxa. [Sawirka: Twitter]
Qiiq hawada isku shareeray korka Muqdisho kadib qaraxa. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qarax balaaran ayaa saakay oo Arbaco ah ruxay huteel kuyaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay wararku sheegayaan.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, qaraxa ayaa waxaa daba socotay rasaasta qoryaha.

Huteelka la weeraray ee Dayax ayaa ah mid ay badanaa adeegsadaan saraakiisha dowladda iyo xildhibaanada, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ma jirto wax faahfaahin deg deg ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay.

Ururka hubaysan ee Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku sheegeen warbaahintooda ugu weyn ee Radio Andalus.

Faahfaahin dheeri ah dib kala soco.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*