Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Somaliland ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto weerarka gardarada ah ay ku soo qaatay dhulka Puntland

[Sawirka:]Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali intii lagu guda jiray shir saxaafadeedkii xalay oo Arbaco ahayd.
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa wacad ku maray in Somailand ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto weerarkeeda gardarada ah ee ay kusoo qaaday dhulka Puntland.

Isaga oo ka hadlayay shir saxaafadeed xalay oo Arbaco ahayd lagu qabtay madaxtooyada, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri: “Dowladda Puntland waa ay ku filantahay difaaca dhulkeeda iyo dadkeeda, waxaana u sheegayaa maamulka Hargeysa duulaanka ay ku soo qaadeen Puntland in ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo, ayna heli doonaan jawaabta ku habboon,”

Cabdiweli ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku mashquulsaneyd safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii Somaliland ay soo weerartay dhulka Puntland isniintii.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in weerarka Somaliland uu gacan siinayo argagixisada caalamiga ah, kuwaasoo la dagaalamaya ciidamada Puntland.

“Puntland waxay dagaal kula jirtaa argagixisada caalamiga ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, duulaanka Somaliland wuxuu garab iyo gaashaan u yahay argagixisada caalamiga ah,”

Isniintii, ciidamo ka socda Somaliland ayaa la wareegay maamulka tuulada Tukaraq ee gobolka Sool kadib weerar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*