Maxaabiista oo lagu eedeeyay in ay yihiin Al-Shabaab ayaa ku xirnaa xabsiga booliiska oo kuyaala gudaha Beled Xaawo, sida ay wararku sheegayaan.
Maxaabiista ayaa xalay lagala baxay xabsiga waxaana lagu toogtay duleedka Beled Xaawo, iyaga oo meydkooda saakay halkaas lagu helay.
Maxaabiista ayaan la geyn maxkamad si loogu xukumo in ay katirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa aaminsan in dilkaas ay ku lug leeyihiin ciidamada dowladda kuwaasoo maxaabiista kusoo qabtay howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Beled Xaawo dhawaan.
Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo magaalada maamula ayaan ka hadlin weli dilkaas loo geystay maxaabiista.