Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u safray Addis Ababa si uu uga qeybgalo shir looga hadli doono xaalada Koonfurta Suudaan.
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa Arbacadii shalay ku kulmay Addis Ababa markii ugu horeysay tan iyo 2016-kii, markaas oo uu burburay heshiiskii nabada uuna qarxay dagaal u dhaxeeya xoogaga labada dhinac.
Hoggaamiyaasha urur goboleedka IGAD oo ay hormuud u tahay Itoobiya ayaa gelinka dambe ee maanta ku kulmaya Addis Ababa si ay xal ugu raadiyaan colaada dalka Koonfurta Suudaan.