15 qof oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Dad sida qof ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay banaanka makhaayada, March 28, 2019. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay ayaa maanta oo Khamiis ah ku qarxay meel u dhow huteel iyo makhaayad kuyaala Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay qiiq weyn oo cirka isku shareeray waxaana ku burburay labo makhaayadood iyo qaar kamid ah baabuurtii taalay agtooda.

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa ayaa ku sugnaa gudaha iyo banaanka makhaayada, sida ay sheegtay Reuters, oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidanka booliiska.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto sababtoo ah qaar katirsan dadka dhaawacmay ayaa ku sugan xaalad halis ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasoo inta badan sheegta masuuliyada qaraxyada ka dhaca Muqdisho, ayaan weli ka hadlin qaraxa maanta lala beegsaday makhaayada iyo huteelka, oo kuyaala jidka mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Sabtidii, 15 qof ayaa ku dhintay labo qarax iyo koox hubeysan oo katirsan Al-Shabaab kuwaasoo weeraray xarunta wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale asbuucaan ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay kamidyihiin shaqaale jaamacadeed iyo dad kale oo rayid ah kuwaasoo qaraxyo loogu xiray baabuurtooda.

Maleeshiyada Al-Shabaab, oo xiriir la leh urur weynaha argagixisada Al-Qaacida, ayaa banaanka looga saaray Muqdisho sanadkii 2011.

Balse weli waxay khatar weyn ku yihiin amniga caasimada, iyaga oo fuliya weeraro iyo qaraxyo joogto ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*