Al-Shabaab oo ugu yeeray Madaxweynaha Mareykanka ‘maalqabeen maskax laawe ah’

Al-Shabaab oo ugu yeeray Madaxweynaha Mareykanka ‘maalqabeen maskax laawe ah’. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa caayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyaga oo ugu yeeray “maalqabeen maskax laawe ah”.

Muuqaal uu sii daayay website-ka The SITE Intelligence Group shalay oo Axad ahayd oo ay soo xigatay wakaalada wararka AP, Al-Shabaab ayaa tiri: “cod bixiyeenada Mareykanku waxay doorteen dhabtii madaxweyne aan caqli lahayn oo dalku yeesho abid, isaga oo Mareykanka ka dhigay mid si weyn loogu maaweelaysto caalamka isaga oo hadda ku wada waxyaabo u keeni kara in la jabiyo oo ay burburaan.”

Maamulka Trump ayaa kordhiyay dadaaladiisa milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalamaysa gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*