Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka badda

Madaxweyne oo shahaado guddoon siinaya mid kamid ah ciidamada dhammeystay tababarka. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka badda.

Cutubyadan oo katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa muddo lix bilood ah tababaro ku qaadanayay magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Ciidanka badda Puntland oo ah kamid ah ciidamada ugu tababarka iyo qalabka fiican Soomaaliya ayaa waxaa taageera Dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*