Madaxweynaha Puntland oo wefdi ka soda UNSOM iyo IGAD kulan kula yeeshay Boosaaso

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah kulan la qaatay wefdi ka soda UNSOM iyo IGAD.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso, halkaas madaxweynuhu maalmihii u dambeeyay uu ku sugnaa.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulanka looga wadahadlay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka.

Waxaa kale oo laga hadlay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed, labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*