Puntland oo Dowladda Federaalka Soomaaliya uga digtay in ay gasho heshiisyo shidaal xilligan

Madaxweyne Deni.[Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uga digtay in ay gasho heshiisyo shidaal xilligan iyadoo aan heshiis laga gaarin qeybsiga khayraadka dalka.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyadoo ka duulaysa mowqifkeedii hore ee 9-ka January iyo 11-ka February 2020, haddaba waxay cadaynaysaa in aysan qeyb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka ee la saxiixay 8-ii February 202, maadaaba uusan waafaqsanayn Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Federaalka iyo hanaanka qaybsiga khayraadka dalka oo aan wali lagu heshiin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland maanta oo Arbaco ah.

“Dowladda Puntland waxa ay ka digaysaa in dowladda muddo xileedkii dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, kaasoo ay ka dhalan karto xasilooni daro.” Ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha caalamiga ah ee shidaal barista in ay heshiis sharci daro ah la gelin Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.  

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharciga cusub ee shidaalka Soomaaliya saxiixay 8-dii Febaraayo 2020, markaas oo ay Puntland qaadacday.

Bayaanka Puntland ayaa ku soo beegmaya iyadoo asbuucaan uu magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta uu ka furmay Shirka Shidaalka ee Afrika, kaasoo ay ka qeybgaleen shirkado waa-weyn oo shidaal sida TotalEnergies, Eni, Adnoc, Shell, Equinor iyo Chevron. Waxaa sidoo kale shirkaas ka qeybgalay masuuliyin sare oo katirsan Wasaaradda Batroolka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*