Ciidamada Puntland ee qaybta gobolka Nugaal oo wali haysta baabuur ciidan oo loo waday degmada Ceelbuur ee gobolada dhexe

baabuurta la haysto
Baabuurta ay ciidamada haystaan kahor inta aan lagu buufin ranjiga. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka Puntland gaar ahaan kuwa qaybta Nugaal oo uu hoggaamiyo sarkaalka la dhaho Jimcaale Jaamac Takar ayaa asbuucii hore qabsaday shan baabuur oo loo waday gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Baabuurta ayaa ka kooban afar nooca Cabdi Bile ay Soomaalida u taqaan iyo hal gaari oo Land Cruiser ah oo aysan xabadu Karin.

Baabuurta oo saarnaa Markab mucaawino ah oo dhawaan kusoo xirtay dekada magaalada Boosaaso ayaa dowlada federaalka Soomaaliya waxay ugu deeqday ciidamo ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo dowlada Puntland ayaa ogolaatay in baabuurtaas laga dejiyo dekada Boosaaso iyadoo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu amray in baabuurtaas loo sameeyo canshuur dhaaf.

Qabsashada baabuurtan ayaa khilaaf ka dhalisay askarta haysata iyo dowlada, madaxweynaha ayaa amray in baabuurtaas lasii daayo, balse ciidamada haysta ayaa ka dhaga adaygay iyagoo ranjiga tuutaha ku buufsaday qoryana saaray baabuurta.

baabuurta oo la buufiyay
Baabuurta oo qoryo la saaray laguna buufiyay ranji tuute ah. Xuquuqda Sawirka: Garowe Online.

Dadaalo ay wadaan isimada gobolka Nugaal oo la rabo in baabuurta lagu sii daayo ayaa socda.

Sababta keentay in ciidamada ay qabsadaan baabuurtaas ayaa ku lug leh cabasho ay ciidanka ka muujinayaan mushahaar la’aan lasoo daristay, sida ay sheegeen khuburada dhanka militariga ah.

Tan iyo markii uu madaxweyne Cabdiweli xilka qabtay ayaa waxaa soo baxayaya cabashooyin badan oo ay ciidamada ka muujinayaan mushahaar la’aan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*