Xubno cusub oo katirsan golaha wasiiradda Puntland oo la dhaarshay

Mid kamid xubnaha golaha wasiiradda cusub oo la dhaarinayo. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xubno katirsan golaha wasiiradda ayaa maanta oo Isniin ah xafiiska loo dhaarshay.

Dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada, halkaas oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Xubnaha, oo ay ku jiraan Wasiirka Kalluumeysiga iyo Wasiirka Warfaafinta iyo dhowr ku xigeen ayaa dhawaan laga magacaabay kadib markii Madaxweyne Deni uu isku shaandhayn kooban ku sameeyay golihiisa wasiiradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*