Hoggaamiyihii falaagada Somaliland Kornayl Caare oo heshiis la gaaray dowladda

Kornal Caare oo warbaahinta la hadlaya markii u wareejinayay maleeshiyadiisa. [Isha Sawirka: Elsar Media Production]
Ceerigaabo-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii falaagada Somaliland Kornayl Cawil Siciid Caare ayaa heshiis la gaaray dowladda Somaliland, sida uu warbaahinta u sheegay maanta oo Khamiis ah, isaga oo ka hadlayay saldhigiisa oo kuyaala buuraleyda u dhow magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Waxa uu ogolaaday in 800 oo dagaalyahanadiisa kamid ah lagu daro ciidanka Somaliland, taasoo Meesha ka saaraysa ku dhawaad labo sanno oo colaad ah oo u dhaxeysay maleeshiyadiisa iyo maamulka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiska dhexmaray falaagada uu hoggaamiyo Caare iyo maamulka Muuse Biixi ayaa waxaa dhex-dhexaadiyay hoggaamiyaasha dhaqanka ee Somaliland kuwaasoo bilihii u dambeeyay waday dadaalada nabada.

Caare ayaa sanadkii 2018-kii ka goostay ciidamada maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in uu ka carooday waxa uu ugu yeeray dulmi ka dhan ah beeshiisa.

Saldhigiisa ugu horeeyay ayuu ku furtay gudaha Puntland gaar ahaan meel u dhow magaalada Qardho bartamihii 2018, balse horaantii sanadkii tagay ee 2019 ayuu u guuray deegaan buuralay ah oo u dhow magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Mudadii uu kacdoonka waday ayaa dhowr jeer waxaa isku dhac dhexmaray maleeshiyadiisa iyo ciidamada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*