Madaxda dalalka ku tabarucay ciidamadda AMISOM oo shir uga furmayo Kampala

Ciidamadda AMISOM. [Sawirka]
Kampala-(Puntland Mirror) Masuuliyiinta dalalka ku tabarucay ciidamadda AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah shir uga furmi doonaa magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka ah  maleeshiyada Al-Shabaab, tayeynta ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii Khamiista gaaray Kampala si uu uga qeybgalo shirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*