Madaxweyne Erdogan oo ka qaybgali doona aaska Maxamed Cali Kalaay

Ankara-(Puntland Mirror) Sida ay sheegeen Qoyska Marxuum Maxamed Cali Kalaay oo Maalinta Jimcaha aas ballaaran loogu sameynaayo dalka Mareykanka Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa ka qaybgeli doona Aaska.

Afhayeen u hadlay Qoyska Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in masuuliyiin kala duwan ay ka soo qaybgeli doonaan Aaska, waxaana lagu qabanayaa Munaasada Aaska Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky.

 

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo Boqorka dalka Jordan ayaa tagi doono dalka Mareykanka si ay aaskaasi uga qaybgalaan.

 

Maalinta Khamiista ayaa Salaada Janaasada lagula dukan doonaa Marxuumka, iyadoo Maalinta Jimcahana la qaban doono Munaasabada weyn ee aaska.

 

Waxaa la diyaariyay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo la dhigay 22 kun oo Kuraas ah, si ay ugu fariistaan dadka ka soo qaybgalaya Aaska Marxuumka.

 

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Bill Clinton ayaa ka mid ah masuuliyiinta Khudbadaha ka jeedin doona Aaska Marxuumka.

 

Maxamed Cali Kalaay oo u geeriyooday Cudurka Laleelmada oo uu muddo sanno ku dhow uu qabaya ayaa ka dar daarmay qaabka aaskiisa uu u dhici doono, wuxuuna sheegay inuu doonayo inay ka soo qaybgalaan aaskiisa dad haysta Diimo kala duwan.

 

Halkan Ka Akhriso: Hadaladii caan baxay ee Maxamed Cali Kalaay

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*