Hadaladii caan baxay ee feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali

Halkan ka aqriso qaar ka mid ah hadallada ugu caansan ee uu yiri marxuum Muxamed Cali Clay.

Waxa uu ka yiri siyaasadda

“Cassius Clay waa magac addoonnimo. Anigu ma dooran, mana doonayo. Magaceygu waa Muxamed Cali, waxaan ahay nin xor ah. Waxaan rabaa in ay dadka magacaasi iigu yeeraan marka ay ila hadlayaan ama ay iga hadlayaan. “

“Afar boqol oo sano ka hor ayaa halkan nala keenay si aan uga shaqeyno. Maxay tahay sababta dal aan leenahay aan u dhisan la’ nahay si aan uga maarano tuugsiga shaqooyinka? Xor ma ahaan doonno ilaa iyo inta aan dhul ka yeelaneyno. Waxaan nahay 40 milyan oo qof, mana lihin laba acre oo inaga noo gaar ah. “

Markii uu diiday inuu ka mid noqdo Ciidanka Maraykanka

“Maxay tahay sababta ay iiga codsanayaan in aan tuute (labiska ciidanka) u xirto oo aan 10,000 oo mayl uga fogaado gurigeyga si aan u duqeeyo ama aan rasaas ugu rido dad ku nool Vietnam, xilli ay dadka lagu magacaabo Negro ee ku nool Louisville loola dhaqmo sida eeyda, isla markaana loo diido xuquuqda asaasiga ah?”

“Uma socdo meel 10,000 oo mayl ka fog gurigeyga, si aan gacan uga geysto dilka iyo gubitaanka dal sabool ah, si ay gumeystayaasha caddaanka ah usii wadaan haysashada dadka madow ee caalamka.”

 

 

Xigasho: BBC Somali

1 Trackback / Pingback

  1. Madaxweyne Erdogan oo ka qaybgali doona aaska Maxamed Cali Kalaay – Puntland Mirror

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*