Madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan oo ku eedeeyay Riek Machar inuu daahinayo heshiiska nabada

South Sudan vice president
Madaxweyne ku xigeenka dalka Koonfurta Suudaan Taban Deng Gai. Sawirka: Gettyimages.

Juba-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Koonfurta Suudaan Taban Deng Gai ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha falaagada Riek Machar inuu daahinayo heshiiskii nabada oo ujeedkiisuu ahaa soo afjarida colaadaha ka jira Koonfurta Suudaan.

Taban Deng Gai ayaa sheegay in Riek Machar uu dowlad barbar-socod ah uu ka dhisay caasimada Juba kahor inta uusan ka cararin magaalada Juba oo ay dagaalo  culus ka dhaceen bishii July ee lasoo dhaafay, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo falaagada uu hoggaamiyo Machar.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada falaagada iyo kuwa dowlada la isku dari doono bisha May ee sanadka soo socda.

Gai ayaa sheegay in qaranimada dalka ay ka weyn-tahay shaqsiyaad, isagoo intaas ku daray in ay wadahadal la yeelan doonaan Riek Machar haddii uu go’aan ku gaaro inuu kusoo noqdo caasimada Juba.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa dhawaan u magacaabay Taban Deng Gai inuu badelo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Riek Machar.

Dalka Koonfurta Suudaan oo xornimadiida helay sanadkii 2011-kii, ayaa galay colaado sokeeye sanadkii 2013-kii, colaadahaas ayaa u dhaxeeyay Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore ee Riek Machar.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*