WHO oo ka digtay in 200,000 ay coronavirus ugu dhiman karaan gudaha Afrika

Qof la fiiranayo heerka xumadiisa meel kamid ah Afrika. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Cudurka safmarka ah ee coronavirus ayaa ku dili kara 190,000 qaarada Afrika labo iyo tobanka bilood ee soo socda, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay Haayada Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Daraasada WHO ayaa sheegaysa in qiyaastii dad gaaraya 44 milyan uu ku dhici karo xanuunka ayna u dhiman karaan 83,000 ilaa 190,000 qof oo Afrikan ah haddii aan la xakamayn cudurka.

Faafista coronavirus ee Afrika ayaa u muuqata in ay yaraan doonto sababtoo ah dadka qaarada oo u badan dhalinyaro iyo dabeecadaha deegaanka, WHO ayaa sidaas sheegtay.

Nafaqada darada aadka u sareysa iyo saboolnimada, nidaamka caafimaadka ee liita, tirada badan oo HIV iyo sahayda cunada ee yar ayaa mar dhow noqon kara musiibo.

Inta badan hoggaamiyeyaasha Afrikaanka ayaa si dhaqso ah u aqoonsaday khatarta ka imaanaysa Covid-19, waxayna xireen xuduudahooda ayna joojiyeen safarada hawada caalamiga ah iyadoo jiraan kiisas yar oo dalalkooda ah.

Tani waxay hoos u dhigtay faafitaanka fayraska laakiin hadda kiisaska coronavirus ee la diiwaangeliyay ayaa bilaabay inay si tartiib ah kor ugu kacaan dal kasta oo Afrikaan ah.

Marka la eego tirakoobka ay sii deysay WHO Arbacadii, waxaa jira ku dhawaad 33,000 kiis oo la xaqiijiyey oo ah Covid-19 iyo 1,193 dhimasho ah gudaha Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*