Turkiga oo weydiistay Maraykanka in lasoo xiro Gulen si loogu maxkamadeeyo ku lug lahaanshihiisii afgembigii fashilmay

gulen
Xukuumada Ankara ayaa aaminsan in Fethulla Gulen uu yahay maskaxda ka dambaysa afgembigii fashilmay. Sawirka: Reuters.

Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa weydiistay Maraykanka in ay u soo xiraan wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka oo ah ganacsade kaasoo lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambaysay afgembigii dhicisoobay oo lagu rabay in awooda looga tuuro dowlada Turkiga.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu, wasiirka cadaalada Turkiga ayaa si rasmiya u dalbaday in haayadaha Maraykanka ay xiraan Fethullah Gulen si loogu maxkamadeeyo kaalintii uu ku lahaa afgembiga fashilmay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkiga ayaa ku celiyay codsi ay u jeediyeen dowlada Maraykanka in ay kusoo wareejiyaan gacanta xukuumada Ankara, iyagoo u diray Maraykanka dukumentiyo ay ka muuqdaan cadaymo muujinaya ku lug lahaanshaha Gulen afgembigii fashilmay oo dhacay 15-kii bishii lasoo dhaafay ee July.

Gulen ayaa diiday inuu wax lug ah ku lahaa isku dayga afgembiga.

Bishii lasoo dhaafay, maxkamad kutaala magaalada Istanbul ayaa soo saartay damaanad-qaad rasmi ah oo lagu soo qabanayo Gulen.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*