Turkiga oo uga digay Greece dhoolatuska milatari ee gudaha badda Aegean

Turkiga oo uga digay Greece dhoolatuska milatari ee gudaha badda Aegean. [Sawirka: Archive]
Turkiga oo uga digay Greece dhoolatuska milatari ee gudaha badda Aegean. [Sawirka: Archive]
Ankara-(Puntland Mirror) Wasaaradda arrimaha dibada dalka Turkiga ayaa uga digtay Greece howlaha milatari oo uu ka wado gudaha jasiirada Kos ee badda Aegean-ka.

Waraaq email-ah oo saxaafada loogu jeediyay gudaha Ankara Jimcadii shalay, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Turkiga Huseyin Muftuoglu uu u ka codsaday haayadaha Greece in ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah.

Huseyin Muftuoglu ayaa u jeediyay xukuumadda Athens in aysan qaadin wax tilaabo ah taasoo sii siyaadin karta xiisada u dhaxaysa labada dal ee dariska ah.

“Waxaanu u jeedinaynaa dariskayaga Greece in ay joojiyaan wax walba oo ah tilaabo aan si fiican looga fiirsan oo carqalad ku keenaysa sharciga caalamiga ah kaasoo sababi kara qalalaase,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Ankara ay qaadi doonto dhammaan ficilada saxda ah si ay u difaacdo xaqa ay u leedahay badda Aegean.

Khamiistii lasoo dhaafay, qeyb kamid ah saxaafada Greece ayaa ku warantay in Greece ciidamo ka socda ay tageen jasiirada Kos ee kutaala badda Aegean, taasoo carqalad ku ah heshiiskii nabada ee Paris, oo mamnuucaya wax walba oo howlo milatari ah oo laga sameeyo gudaha jasiiradaas u dhaxaysa labada dal ee Turkiga iyo Greece.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*