Tobonaan qof oo ku dhintay banaanbaxyo ka dhacay gobolka Oromada ee Itoobiya

Banaanbaxayaal ku dhaawacmay isku dhaca dhexmaray booliiska. [Sawirka: Reuters]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Tobonaan qof ayaa lagu dilay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen gobolka Oromada ee Itoobiya kadib markii ciidamada amaanka ay iska hor yimaadeen dad banaanbaxayay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa neef qabatoomay kadib markii ciidamada booliiska ay qiiqa dadka ka ilmaysiiya iyo ulo ay u isticmaaleen dadka banaanbaxayay.

Dowlada Itoobiya ayaa bayaan ku sheegtay in dad ay dhinteen, cida ka masuulka ahna ay cadaalada wajihi doonto.

Ma jiraan warar madax-banaan oo faahfaahsan oo ku saabsan dhimshada dhacdadaas.

Bilihii u dambeeyay ayaa dalka Itoobiya waxaa ka socday isku dhacyo ay dhiig badan kuu daateen.

Dadka Oromada iyo Amxaarada ayaa banaanbaxyo ka waday goboladooda ay uga cabanayaan in siyaasada iyo dhaqaalaha dalka loo diiday.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*