Eriteeriya oo ku eedaysay Itoobiya in ay xadkeeda soo weerartay

Dowlada Eriteeriya ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay weerar ku qaaday xadkeeda, laakiin inta uu la egyahay weerarka ilaa iyo hadda ma cadda mana jirto jawaab dhaqso ah oo ka timi Itoobiya.

Eriteeriya oo xornimadeeda ka heshay Itoobiya sanadkii 1991-dii, ayaa dagaal dhiig badan uu ku daatay oo ka dhacay xadka waxaa uu dhexmaray dariskeeda Itoobiya intii u dhaxaysay 1998 iyo 2000. Kacsanaanta u dhaxaysa labada wadan ee Geeska Afrika ayaa joogta ah.

“Maamulka TPLF ayaa shalay oo Axad ahayd, taariikhduna ku beegnayd 12-ka, Juun, 2016-ka, waxa ay weerar kusoo qaadeen ka dhan ah Eriteeriya deegaanka Tsorona,” wasaarada warfaafinta Eriteeriya ayaa sidaa ku sheegtay bayaan saqdii dhexe ee xalay.

TPLF waxaa laga wadaa Jabhadda Xoraynta Dadka Tigreega ah, waxayna kamid tahay afarta xisbi ee sameeyay maamulida is-xulufaysiga ah.

“Ujeedada iyo najiida weerarkan ma cadda,” sidaa ayaa lagu yiri bayaanka Eriteeriya.

Wasiirka warfaafinta Eriteeriya Yemane Ghebremeskel ayaan faahfaahin dheeraad ah oo dhaqso ah aan ka bixin markii la weydiiyay khasaaraha ama faahfaahin kale oo la xiriirta weerarka.

Saraakiisha Dowlada Itoobiya ayaan wali si rasmiya uga jawaabin.

Deegaanka Tsorona wuxuu u dhowyahay xadka waxaana ka dhacay dagaal aad u culus intii uu socday dagaalkii xuduuda kaasoo lagu dilay ku dhawaad 70,000 oo qof.

Eriteeriya oo ay saarantahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in quwadaha caalamka ay ku guuldaraysteen in Itoobiya ay ku riixaan in ay aqbasho  dhex-dhexaadin caalami ah oo muumala qeexitaanka xadka. Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ay rabto wadahadal baaraan dagiddeed.

Eriteeriya iyo Itoobiya ayaa si joogta ah isugu eedeeya midba midka kale inuu taageero jabhadaha doonaya in ay wiiqaan ayna ridaan labada dowladood, kaasoo laga dhaxlay dagaalkii labada sanno socday.

 

(Warbixintan waxaa qortay wakaalada wararka, Reuters, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*