Ciidamada Hindiya iyo Pakistan oo madaafiic badan isku weydaarsaday Kashmir

Askari Hindi ah oo ilaalinaya xadka u dhaxeeya labada dal. [Sawirka: Reuters]
New Delhi-(Puntland Mirror) Madaafiicda ayaa sii socota oo uu dhaxeeya labada dal ee hubka nukleerka ku hubaysan ee Pakistan iyo Hindiya, madaafiicda ayaa la isku weydaarsaday xadka u dhaxeeya labada dal ee kuyaala deegaanka lagu muransanyahay ee Kashmir iyadoo ay xaalada kicisay kadib markii bishii lasoo dhaafay la dilay askar badan oo Hindi ah.

Milatariga Pakistan ayaa ku eedeeyay ciidamada Hindiya in ay madaafiic soo rideen Arbacadii shalay iyadoo aan la daandaansan, madaafiicda ayaan khasaare weyn samayn.

Kadibna ciidamada Pakistan ayaa jawaab celin ka bixiyay madaafiicda iyagoo dhanka Hindiya ku ganay madaafiic culus.

Deegaanka ay Muslimiinta u badanyihiin ee Kashmir ayaa waxaa sheegta lahaanshihiisa labada dal ee Hindiya iyo Pakistan. Labada dal ayaa saddex jeer ku dagaalamay halkaas tan iyo sanadkii 1947-dii.

Xiisada ugu dambaysay ee u dhaxaysa labada dal ee nukleerka haysta oo dariska ah ayaa daba socotay dilka 18 askari oo Hindi ah oo lagu dilay xadka u dhaxeeya labadaas dal, koox falaago ah oo dhanka Kashmiirta Pakistan kasoo duushay ayaa looga shaki qabaa in ay weerarkaas qaadeen.

Iyadoo jawaab celin ka bixinaysa, milatariga Hindiya ayaa sheegay in ay qaadeen howlgalo duqayn ah oo ka dhan ah waxay ugu yeereen “unugyo argagixiso” oo fadhigoodu yahay dhanka xadka Pakistan. Pakistan ayaa diiday sheegashada Hindiya waxayna ku tilmaamtay dhalaanteed.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*