Cabdullaahi Cali Xasan oo ka tanaasulay musharaxnimadiisa madaxweynaha Soomaaliya

Cabdullaahi Cali Xasan. [Sawirka: Facebook/Eng. Abdullahi Ali Hassan]
Cabdullaahi Cali Xasan. [Sawirka: Facebook/Eng. Abdullahi Ali Hassan]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mid kamid ah musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in uu ka baxay tartanka doorashada madaxweynenimada, sida uu ku sheegay bayaan.

Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay in uu ka tanaasulay musharaxnimada madaxtinimada Soomaaliya.

“Aniga oo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynah,” ayuu yiri.

Cabdullaahi ayaa sheegay in uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa kadib markii uu arkay xaalada dalku ku suganyahay.

“Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale……….Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali Xasan.

“Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayna, waxa uu sheegay in oo go’aansaday in uu ka tanaasulo doorashada madaxweynenimada kadib markii uu la tashi la sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.”

Mudane Cabdullaahi ayaa kula dardaarmay musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.

Tanaasulka Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka dhigaysa tirada musharixiinta u taagan madaxweynenimada Soomaaliya 23 xubnood oo uu ku jiro madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhacaysa 8-bishaan Febaraayo, waxaana ka harsan afar beri oo qura.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*