Taliye booliis oo Faransiis ah iyo xaaskiisa oo lagu dilay weerar mindi oo Daacish ay sheegatay

Paris-(Puntland Mirror) Taliye booliis oo Faransiis ah iyo xaaskiisa ayaa lagu dilay weerar mindi markii nin mindi ku hubaysan uu soo weeraray guriga ninka booliiska ah deegaanka Magnanville oo 33 km ka xigta magaalada Baariis ee caasimada, Faransiiska dhanka waqooyiga-bari, ninka weerarka geystay ayaa sidoo kale qaatay taliyaha iyo haweenayda uu dilay wiil yar oo ay dhaleen.

Booliiska Faransiiska ayaa weerar ay ku qaadeen guriga waxay ku toogteen ninkii weerarka geystay waxayna badbaadiyeen wiilkii yaraa.

Sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska, ninka weerarka geystay ayaa waxaa loo aqoonsaday in magaciisa la dhaho Larossi Cabdala oo 25-sanno jir ah, kaasoo ay booliiska ogyihiin in horey loogu haystay falal argagixiso.

Sida ay sheegtay warbaahinta Acmaaq oo ISIS xiriir la leh, maleeshiya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas iyagoo sheegay inuu qaaday askari katirsan dowlada Islaamiga ah.

Weerarka ayaa imaanaya maalin kadib nin lagu xiriiriyay ISIS uu weerar ku dilay dad gaaraya 50 qof baar ay leeyihiin ragga isku sinjiga ah ee isu-tagga oo ku yaala magaalada Orland ee gobolka Florida, Maraykanka.

 

Warkan waxaa diyaarshay Cabdi Cumar Bile oo ah tifaftire sare oo katirsan warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*