Maraykanka iyo Yuhuuda oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo taageero millitari ah oo ay ku baxayso $38 bilyan

Obama iyo Netanyahu.
Madaxweyne Obama oo salaamaya hoggaamiyaha Yuhuuda Netanyahu.

Washington-(Puntland Mirror) Maraykanka ayaa saxiixay heshiiskii ugu weynaa oo uu $38 bilyan oo taageero militari ah ku siinayo Yuhuuda tobonka sanno ee soo socda, kaasoo ah heshiiskii ugu weynaa oo abid Maraykanka la galo dal.

Isaga oo daba socday 10 bilood oo wadahadalo xanaaq leh, ugu dambayn Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa gaaray heshiis is-afgarad ku dhisan oo lagu saxiixay shalay oo Arbaco ahayd magaalada Washington DC.

“Labadayada Raysulwasaare Benjamin Netanyahu iyo Aniga waxaan kalsooni ku qabnaa heshiiska cusub in uu ahmiyad gaar ah uu u samaynayo caawimaada Israel oo ku harsan daris khatar ah,” Madaxweyne Barack Obama ayaa sidaa ku sheegay bayaan, sida ay qortay wakaalada wararka Reuters.

Heshiiska ayaa Yuhuuda sanad walba ku helayaan $3.8 bilyan oo ka timid Maraykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*