Ciidamada Ciraaq oo ku sii siqaya meeshii ugu dambeysay ee Daacish ay ka heysatay galbeedka magaalada Mowsil. [Xigashada Sawirka: Anadolu]Mowsil-(Puntland Mirror) Ciidamada Ciraaq ayaa ku sii siqaya meeshii ugu dambeysay ee Daacish ay ka heysatay galbeedka magaalada Mowsil, sida uu sheegay taliye Ciraaqi ah.
“Ciidamada huwanta ah waxay saakaydii hore u dhaqaaqeen sidii ay u qabsan lahaayeen meelaha aan la xoreyn,” Janaraal Abdul-Amir Yarallah oo ah taliyaha howlgalka milatariga Mowsil ayaa sidaa ku sheegay bayaan.
Tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii, ciidamada Ciraaq ayaa waday howlgalo milatari oo maleeshiyada Daacish looga sifeynayo magaalada Mowsil, taasoo ah meeshii ugu dambaysay oo Daacish ay ku xooganytahay gudaha dalka Ciraaq.
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com
Be the first to comment