Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday taliyihii nabadsugida

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xli ka qaadis ku sameeyay taliyihii nabadsugida ee sirdoonka qaranka (NISA), Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa si ku meel gaar ah xilka ugu magacaabay Cabdulaahi Maxamuud Gaafow oo ahaa taliyaha laanta socdaalka ee Soomaaliya inuu sii noqdo taliyaha nabadsugida qaranka.

Taliyihii hore nabadsugida, Tuuryare ayaa xilka taliyaha nabadsugida loo doortay dabayaaqadii sanadkii 2014-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*