Donald Trump oo James Mattis oo loo yaqaan ‘Eyga Waalan’ u magacaabay xoghayaha difaaca Mareykanka

Donald Trump ayaa sheegay in magacaabida rasmiga ah ee Mattis ay imaan doonto Isniinta soo socota. [Sawirka: Reuters]
Donald Trump ayaa sheegay in magacaabida rasmiga ah ee Mattis ay imaan doonto Isniinta soo socota. [Sawirka: Reuters]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu u magacaabi doono  xoghayaha difaaca Janaraalka howlgabka ah ee ciidamada badda, James Mattis.

Mattis, oo loo yaqaan “Eyga Waalan” ayaa caan ku ahaa hadaladiisa adkaa, isagoo howlgab noqday 2013, waxaana uu kasoo shaqeeyay dalalka Ciraaq iyo Afkaanistaan.

“Waxaanu rabnaa in aan u magacowno Eyga Waalan, Mattis xoghayahayaga difaaca,” Trump ayaa sidaa yiri Khamiistii shalay mar uu ka qeybgalayay banaanbax lagu taageerayay guushiisa.

Madaxweynaha la doortay ayaa intaas ku daray in magacaabida rasmiga ah ee Mattis ay imaan doonto Isniinta soo socota.

Ganacsadaha siyaasiga noqday, Donald Trump, ayaa madaxweyne loo doortay 8-dii bishii lasoo dhaafay ee November, waxaana uu xilka si rasmi ah ula wareegi doonaa 20-ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2017-ka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*