Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay weerar isbiimayn ah oo lala eegtay dad banaanbax sameynayay gudaha magaalada Lahore ee Pakistan

Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay weerar isbiimayn ah oo lala eegtay dad banaanbax sameynayay gudaha magaalada Lahore ee Pakistan. [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay weerar isbiimayn ah oo lala eegtay dad banaanbax sameynayay gudaha magaalada Lahore ee Pakistan. [Sawirka: Twitter]
Lahore-(Puntland Mirror) Wax looga shaki qabo qof isa soo miidaamiyay ayaa bartilmaameedsaday dad banaanbax ka sameynayay magaalada kutaala bariga dalka Pakistan ee Lahore, waxaana lagu dilay weerarkaas ugu yaraan 11 qof, sida ay sheegeen saraakiisha maxaliga ah.

Qaraxa ayaa dhacay maanta oo Isniin ah markii mulkiilayaasha meheradaha daawada ay ka mudaharaadayeen isbadalo lagu sameeyay sharciga iibka daawooyinka ee gobolka Punjab.

Kuwa dhintay ayaa waxaa ku jira saraakiil sare oo booliis ah. Tobonaan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Garabka Taalibaan ee gudaha dalka Pakistan ee la dhaho Jamaat-ul-Ahrar ayaa sheegtay in ay iyagu qaadeen weerarkaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*