Madaxweynaha cusub ee Puntand oo xafiiska la wareegay

Madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore intii lagu guda jiray munaasabada xil-wareejinta oo maanta oo Isniin ah dhacday. [Isha Sawirka: Facebook/ShareecoYasinShareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah xafiiska u la wareegay, asbuuc kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha.

Munaasabada xil-wareejinta madaxweynaha oo ka dhacday aqalka madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan saraakiisha ciidamada, iyo sidoo kale oyadaasha dhaqanka.

Hadal kooban oo munaasabada uu ka jeediyay madaxweynaha cusub ayaa sheegay in ay shaqada sii wadi doonaan gaarsiina doonaan meel ka fiican halka maanta ay joogto.

Dhankiisa, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa masuuliyiinta dowladda iyo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Bishii Janaayo 8-deedii ayaa baarlamaanka Puntland Siciid Cabdullahi Deni u doorteen madaxweynaha Puntland ee shant sanno soo socota.

Madaxweynaha cusub ayaa golihiisa wasiiradda ku soo dhisi doona muddo 21 cisho ah, sida uu qabo dastuurka dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*