Al-Shabaab oo qabsatay magaalada Ceel-waaq

Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalo istiraatiiji ah oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka Ceel-waaq oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in dagaalyahano aad u hubaysan oo Al-Shabaab ah ay kasoo weerareen magaalada labo jiho shalay oo Jimce ahayd ayna qabsadeen.

“Ciidamadii dowlada waxaa xoog u gala wareegay kooxda Al-Shabaab,” sidaa waxaa yiri qof dadka deegaanka ah oo oo diiday in magaciisa la sheego walaac amni awgiiis.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan labo askari oo dowlada ah iyo labo qof oo shacab ah oo ay rasaas ku haleeshay meel u dhow saldhig militari.

Si dhaqso ah markii ay magaalada Ceel-waaq u galeen, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ciidamada dowlada oo kuyaala dhanka koonfureed ee magaalada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada dowlada oo u cararayay gudaha xadka Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ee magaalada soo weerartay ay ka koobnaayeen ilaa iyo 200 oo wata baabuurta dagaalka.

Isgaarsiinta magaalada ayaa go’an, dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada ay jartay khadka taleefoonada.

Ceel-waaq waa magaalo istiraatiiji ah waxayna wado weyn u tahay ciidamada Kenya ee howgalada kawada koonfurta galbeed ee Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa magaaladaas gacanteeda ka baxday sanadkii 2011-ka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*